Gacantee ayay ku dhacday Lacagta ay bixisay Shirkada Soma Oil?

Shirkadda Coastline Explorations oo loo yaqaan SOMA OIL,ayaa shaacisay in ay $7-Milyan ku bixisay saxiixa heshiiska shidaalka.

Lacagtaas si saxa uma cada cida Gacanta loo geliyay,inkastoo ay Shirkadu sheegtay in ay ku shubtey Bangiga Dhexe ee Somaliya.

Heshiiskan,waxay Shirkada Soma Oil ku bixisay Boloogiiba $1-Milion.

Horay,waxaa ujiray heshiis dhigayay in 40% Dhaqaalaha Saxiixyada laga helo ay qaadato Dowlada Dhexe 60% DG uu ku yaalo Bolooga Shidaalka laga baarayo,halka kuwa kale ee aan Boloogyada wax ku lahayn la siinayo 15%.

Laguma kalsoona in sidaas wax loo maamuli doono lana raaci doono heshiisyadii jiray marka laga tusaale qaato habka Mugdiga weyn ku jiro ee heshiiska loo kala saxiixday.

Waa iska cadahay in Madaxweyne Xasan uusan ilaalinayn Sharciyad iyo Hanti Qaran ee uu kaliya ka ridanayay Madaxweynihii hore saxiixa heshiiskan.

Shalay,waxii uu diiday Madaxweyne Xasan oo uu ugu Codka dheeraa Siyaasiyiintii kasoo horjeeday xiligaas,ayuu Maanta saxiixay.

Heshiiskan,waxaa xaaraantimeeyay Madaxweynihii hore,Ra’isalwasaarihii hore,Baarlamaankii hore iyo Xeer-ilaalinta.

Maanta lama horkeenin Golaha Wasiirada,Golaha Baarlamaanka iyo Xeer-ilaalinta.

Balse si suuq madow ah,ayaa Warqado looga soo qortay hay’adahaas oo loo gudbiyay Shirkada dibna loogu saxiixay heshiiska.

Jibril Qoobey.