Markabkii ugu horeeyay oo sida badeecad ganacsi oo ku xirtay Dekedda Garacad + Sawirro

DCIM\106MEDIA\DJI_0172.JPG

Markabkii ugu horeeyay oo sida shixnad ganacsi ayaa saaka ku xirtay Dekedda Garacad ee gobalka Mudug.

Wajiga kowaad ee Dekedda Garacad ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah xariga laga jaro. Markabka ku xirtay Dekedda ayaa lagu magacaabaa AK Hamburg, isagoo sida shamiito ay leedahay shirkadda Barwaaqo oo ay leeyihiin ganacsato reer Puntland ah.

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Madaxweynaha Puntland, Madaxweynaha Galmudug iyo Madax sare iyo ganacsato ka socota Itoobiya iyo Jabuuti ayaa k qeybgali doona xarig ka jarka Dekedda.

Dekedda Garacad ayaa ah mashruuca ugu weyn ee Soomaali ay ku hirgelisay si isku-tashi ah, waxaana hadda la diyaariyay labo kamid ah jambiyada dekedda, oo kala ah (A&B), kuwaas oo lagu sii shaqeyn doono inta la dhameystirayo jambiyada haray ee dekedda.