Dekedda Garacad oo maanta xariga laga jarayo

DCIM\106MEDIA\DJI_0182.JPG

Wajiga kowaad ee dhismaha Dekedda Garacad ee gobalka Mudug oo lasoo gaba-gabeeyay dhowaan ayaa la filayaa in maanta oo sabti ah xariga laga jaro.

Munaasabadda xarig ka jarka ayaa waxaa ka qeybgali doona Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha DDS Mustafe Cagjar iyo madax iyo wafuud kala duwan oo ka socota dawladdaha xubnaha ka ah DFS, Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya.

Dekedda Garacad ayaa noqonaysa dekeddii shanaad oo ku taalla Soomaaliya, waxaana si isku-tashi ah u dhisay Dawladda, ganacsatada iyo shacabka Puntland, iyo ganacsato kale oo Soomaali ah.

Dhismaha wajiga kowaad ee Dekedda Garacad ayaa ka kooban labo jambi (A&B), kuwaas oo lasii adeegsan doono inta la dhameystirayo qeybaha haray ee Dekedda.

Dekeddan ayaa fursad dhaqaale oo ballaaran u abuuri doonta Soomaalida, gaar ahaan reer Puntland, waxaana la filayaa inay u adeegto qeybo badan oo kamid ah Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay kunool yihiin in ka badan 108 milyan oo qof.