Sawirro: Dekedda 5-aad ee Soomaaliya ‘Garacad’ oo xariga laga jaray

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si rasmi ah maanta xarriga uga jaray wajiga kowaad ee Dekedda Garacad ee gobalka Mudug.

Munaasabadda xarig ka jarka Dekedda Garacad ayaa sidoo kale waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida, Wasiirka Difaaca Kenya, iyo wafuud kale oo ka socota dalal ay kamid yihiin Itoobiya, Jabuuti iyo Imaaraadka Carabta.

Dekedda Garacad oo noqonaysa Dekedda shanaad ee Soomaaliya ayaa lagu dhisay isku-tashi ay sameeyeen shacabka iyo dawladda Puntland.

Dhismaha wajiga kowaad ee Dekedda Garacad oo ka kooban labo jambi (A&B) ayaa lagu dhameeyay sannado. Waxaana la bilaabayaa dhismaha wajiga labaad oo lagu dhisayo jambiga ugu weyn Dekedda.