Sawirro: Madaxweynaha Puntland iyo wafti uu hoggaaminayo oo gaaray Garacad

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa gaaray deegaanka Garacad ee gobalka Mudug, oo ay ka socoto qabanqaabaddii u dambeysay ee xarig ka jarka dekedda.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradah Garacad. Madaxweynaha ayaa ku qaabili doona Garacad wafuud sare oo ka qeybgalaysa furitaanka Dekedda uuna kamid yahay Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud.

Wajiga kowaad ee Dekedda Garacad oo maanta xariga laga jarayo ayaa ka kooban labo jambi (A&B), waxaana lasii adeegsan doonaa inta ay socdaan dhismaha qeybaha haray ee dekedda.

Dekedda Garacad ayaa noqonaysa Dekeddii shanaad ee ku taalla Soomaaliya, waana mashruuca ugu weyn ee Soomaali si isku-tashi ah u hirgelisay.