VIDEO: Askarigii dilay Wasiir Siraaji oo la toogtay

Maxkamadda Ciidanka qalabka sida ee Dawladda Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku fulisay aroornimadii saaka Axmed Cabdulaahi Cabdi oo bishii May, 2017kii ku dilay agagaarka Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Muqdisho Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska ee XFS Cabaas Cabdullaahi Sheekh Siraaji.

Maxkamadda ayaa horrey dil ugu xukuntay Axmed Cabdullaahi oo kamid ahaa ilaalada Hanti-dhowrkii guud ee xilka laga qaaday Dr. Nuur Faarax Jimcaale, kaddib markii lagu helay dilka AUN Wasiir Siraaji.

3, May 2017kii, ayuu Wasiir Cabaas Siraaji u geeryooday dhaawac kasoo gaaray rasaas lagu furay gaarigiisa, isagoo ahaa Wasiirka ugu da’da yaraa ee Xukuumaddii uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

AUN Cabaas Cabdullaahi Sheekh Siraaji, oo 31 jir ahaa, ayaa waxa uu kasoo laabtay xerada qaxootiga ee Dhadhaab oo uu ku soo barbaaray, isagoo noqday Xildhibaan kamid ah Golah Shacabka BJFS.