Video:-Gaalkacyo oo si weyn loogu soo baxay kulan lagu garabsiinayo Dimuqraadiyaynta

Gaalkacyo, October 23, 2022: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa magaalada Gaalkacyo ku qabtay madasha Dadweynaha ee barnaamijka dardargelinta Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland.

Wasiirka ayaa khubad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey madasha waxa uuna u mahadceliyey dhammaan dadka reer Mudug gaar ahaan magaalada Gaalkacyo sida wanaagsan ee maamuuska leh ee ay barnaamijkaan Dimuqraadiyeynta u soo dhaweeyeen diyaarna ugu yihiin in la guuro Geedi caano leh.

Kulankaan oo daba socday kulan maanta uu Wasiirku la yeeshay Odayaasha dhaqanka, Nabadoonada iyo guud ahaan Cuqaasha Gobolka Mudug, ayaa waxaa ka soo qaybgalay dhammaan wax garadka, Dhallinyarada, Haweenka ururada bulshada Rayidka ah iyo dhammaan bulshada qaybaheeda kala duwan.

Kulankaan ayaa ujeedkiisu ahaa in la dardargeliyo barnaamijka Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland ee Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Puntland.

Dadka Reer Gaalkacyo ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyey barnaamijkaan waxayna balanqaadeen in ay diyaar u yihiin in la guuro,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka

Dhammaad

Xafiiska warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.