DEG-DEG: Qaraxyo iyo weerar toos ah oo lagu qaaday Hotel ku yaalla Kismaayo

Weerar ku bilowday qaraxyo waa weyn ayaa goor-dhaweyd lagu qaaday hotelka Tawakal ee magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland.

Qaraxyada ayaa mid kamid ah oo lala beegsaday afaafka hore ee Hotelka, waxaa uu ahaa gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Intaa kaddib maleeshiyaad hubeysan ayaa gudaha u galay Hotelka Tawakal, iyadoo hadda la maqlayo dhawaqa rasaasta.

Lama oga baaxada khasaaraha weerarkan oo socda, waxaana goobta ku qulqulaya gaadiidka dagaalka ee Ciidanka Jubbaland.

Kala soco Idilnews, faahfaahinta kasoo baxda weerarka.