Erdogan oo Olale doorasho ka dhiganaya Xijaabka

Madaxweynaha Dalka Turkiga,ayaa soo jeediyay in Dadkiisa laga qaado Afti si Haweenka loogu oggolaado in ay xijaab ku dhex xirtaan xarumaha Dowladda,Iskuullada iyo Jaamacadaha.

Arrintan,ayaa mid aad ugu weyn Erdogan oo ah hoggaamiye muslim ah-kaasoo Xisbigiisa Islaamiga ee haya awoodda uu meesha ka saaray tallaabadii in muddada ah jirtay ee haweenka ka mamnuuceysay in xijaabka ay xirtaan marka ay ku sugan yihiin xarumaha Dowladda sanadkii 2013-kii.

Arrinta xijaabka Haweenka,ayaa Bilooyinki ugu danbeeyay noqotay dood siyaasadeed ka hor doorashada guud ee Turkiga ka dhaceyso 2023-ka-arrintaas oo lagu wado inay noqoto mid kamid ah caqabadaha ugu culus ee hortaaggan maamulka Erdogan labaatankii sano ee lasoo dhaafay.

Erdogan wuxuu mar kasta ku tilmaamaa qaadista xayiraadda Xijaabka tusaale ku aadan sida Xisbigiisa uu u matalayo Dadka Muslmiinta,isla markaana uu kasoo horjeedo Xisbiyada Cilmaaniga ee ka talin jiray Turkiga ka hor inta uusan ifbixin Xisbigiisa Sanadkii 2002-dii.

Xijaabka,ayaa dood ka dhaliyay Turkiga Sagaashaamadkii balse ma jiro Xisbi siyaasadeed maanta soo jeedinayo in laga mamnuuco Turkiga.