Madaxweynaha Shiinaha oo mudo kororsi hor leh samaystay

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping,ayaa maanta oo Axad ah markii saddexaad ku guuleystay xilka madaxtinimo, waxaana doortay gole sare oo maamul oo ay ka buuxaan dad daacad u ah, isaga oo sii xoojinaya awooddiisa, wuxuuna noqonayaan hoggaamiyihii ugu awooda badan Shiinaha tan iyo Mao Zedong.

Xubnaha kale ee toddobada nin ka kooban ee guddiga joogtada ah waxaa ka mid ah Zhao Leji iyo Wang Huning, oo kasoo haray guddigii hore, iyo Cai Qi, Ding Xuexiang iyo Li Xi oo cusub. Li Qiang ayaa sidoo kale ku cusub guddiga joogtada ah.

Dhammaan waxa ay falanqeeyayaashu u arkaan inay xiriir dhow la leeyihiin Xi, oo ku barbaaray kacaanka xisbiga shuuciga kaas oo Shiinaha u jiheeyay kaligii talisnimo weyn tan iyo markii uu xukunka qabtay 2012.

Richard McGregor, oo ah xubin sare oo ka tirsan machadka Bariga Aasiya ee Lowy Institute ee ku yaal magaalada Sydne ayaa sheegay in natiijadii shirka xisbiga shuuciga ay guul weyn u tahay Xi.

Madaxweynaha Ruushka Vladmir Putin ayaa u hambalyeeyay Xi, isagoo sheegay inuu rajaynayo inay sii horumariyaan “iskaashi dhammaystiran” oo u dhexeeya labadooda waddan.

“Natiijooyinka Shirweynaha Xisbigu waxay si buuxda u xaqiijinayaan awooddaada siyaasadeed ee sare, iyo sidoo kale midnimada xisbiga aad hoggaamiso,” ayuu Putin u sheegay Xi, sida laga soo xigtay warbaahinta dowladda Ruushka.

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa sidoo kale warqad hambalyo ah u diray Xi, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee KCNA.

Reuters.