Maxay tahay sababta MBS uga baaqday Shirka Wadamada Carabta?

Dhaxal-sugaha Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan ayaan ka qeyb geli doonin shirka madaxda Carabta ee kowda November ka dhacaya waddanka Algeria,kaddib marki dhaqaatiirtiisu ay soo jeediyeen in aanu safarkaas u bixin, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay dowlada Algeria.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Amiir Mohammed, oo ah hogaamiyaha dhabta ah ee boqortooyada, “uu muujiyay sida uu uga xun yahay ka baaqashada shir madaxeedka Carabta”, mar uu khadka taleefoonka kula hadlay madaxweynaha Algeria Abdelmadjid Tebboune.

Wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa markii dambe soo saartay bayaan ay ku sheegtay wadahadalka dhanka taleefanka ah ee dhexmaray labada hoggaamiye balse ma aysan sheegin in dhaxal-sugaha boqortooyada uusan ka qeyb galin shirka.

Madaxda dalalka Carabta ayaa la filayaa in ay isugu yimaadaan shir madaxeedka 31-aad ee soo socda oo ka dhici doona magaalada Algiers ee dalka Algeria bisha soo socota ee Nov. 1-2.

Reuters.