Waxgaradka Mudug iyo Wasiirka Arimaha Gudaha oo kulmay

Gaalkacyo, October 23, 2022: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa kulan la qaatay Nabaddoonada guud ee Gobolka Mudug.

Kulankaan oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo, Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug, iskuduwaha Wasaaradda Arrimaha Odayaasha dhaqanka, Nabadoonada iyo guud ahaan Cuqaasha Gobolka Mudug.

Kulankaan ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladda guud ee Gobolka iyo guud ahaan Puntland iyo sidii loo dardargelinlahaa barnaamijka Dimuqraadiyeynta Puntland ee Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Puntland.

Dhaqanka Gobolka Mudug iyo Wasiirka ayaa isla qaatay in barnaamijkaan uu yahay mid loo baahnaa oo soo daahay waxaana la isku raacay in siwada jir ah looga shaqeeyo hirgelintiisa.

Xafiiska warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.