Weerarka Hotelka oo baajiyay tagidii Kismaayo Ee Axmed Madoobe

Afar Nin,ayaa weeraray Hotelka mid,ayaa isku qarxiyay Iridka,halka Sadexdii kale ay galeen gudaha.

Shakiga kale ee jiraa waa in gudaha Hotelka wax ugu sii diyaarsanaayeen argagixisada.

Hay’adaha Amaanka Jubaland xogta ah in argagixiso fulinayso weeraro gudaha Magaalada waa hayeen,sida Saraakiisha Amaanku ii xaqiijiyeen.

Dhanka kale weerarka Hotelka Kismaayo,waxuu baajiyay dib usoo noqoshadii Madaxweyne Axmed Madoobe oo Maanta Kismaayo laga sugayay.

Axmed Madoobe mudo,ayuu ugu maqnaa Imaaraadka safar iskugu jira dano Qoyskiisa ah iyo kuwo Jubaland,waxuuna ku hakaday Nayrobi.