Yaa bixiyay Lacagta ku baxaysa dhismaha Wadada Garacad-Goldogob?

Wadada Lacagta ku baxaysa,waxay ka timid Deeq bixiyayaasha,iyadoo soo martay Bangiga horumarinta Afrika.

Lacagta Bangiga Horumarinta Afrika uqoondeeyay Somaliya waa mid xoog badan oo loogu talagalay in Mashaaariic horumarineed lagaga fuliyo Somaliya.

Lacagtaas,waxaa lagu soo shubay Bangiga Dhexe ee Somaliya Akoonkiisa si rasmi ah.

Madaxweyne Xasan,ayaa Lacagtaas qayb ka mid ah uqoondeeyay reer Puntland iyo Wadadaas.

26-ka Bisha,ayaa waxaa gaaraya Muqdisho Madaxweyne Deni oo uga qaybgalaya Shir DG iyo Dowlada Dhexe,waxaana sii raacaya Gudiga Dekeda Garacad,iyadoo lagu soo wareejin doono Lacagtaas.

Waa guul weyn oo usoo hoyatay Dekeda Garacad ee Bulshada Geeska Afrika.

Jibril Qoobey.