Akhriso: Dawladda Puntland oo ka digtay roobab daadad wata

War qoraal ah oo kasoo baxay Xarunta Maareynta Xogaha Biyaha iyo Dhulka Puntland ayaa digniin cusub kasoo saartay roobab mahiigaan ah oo lagu wado inay ka da’aan qeybo kamid ah deeyaanada Puntland, kuwaas oo ay ka dhalan karaan daadad xooggan.

Xarunta ayaa sheegtay in saadaashu muujinayso in ilaa 29ka bishan, ay ka di’i karaan degmooyinka Burtinle iyo Buuhoodle iyo dhulka howdka ah ee u dhexeeya roobab ballaaran, iyadoo ugu baaqday shacabka inay ka fogaadaan dhulka godan iyo togaga.

Akhriso Warka kasoo baxay Xarunta Maareynta Xogaha Biyaha iyo Dhulka Puntland.

Oddoroska Satimaanka 23-29 October 2022.

Asbuucyadii lasoo dhaafay roobab dhex-dhexaad ah ayaa ka da’ay deegaano kamida Puntland, meelaha qaarna ay heleen roobab mahiigaan, Xudun iyo Taleex, halka magaalada Qardho ay saameeyeen daaddad kasoo rogmaday dhulka sarre ee soolka xiga ayna sababeen khasaare nafeed iyo mid hantiyadeed.

Goboladda Nugaal, Sool, Cayn iyo qaybo kamid ah gobolka Sanaag ayaa la filayaa in ay helaan roobab dhex-dhexaad ah xaddi ahaana udhaxeeya (40-60) mm.

Sida kamuuqata khariidadda saadasha roobka degmooyinka Burtinle iyo Buuhoodle ayaa ay macquultahay in uu gaaro 200mm sababi karana daadad iyo isu socodka oo hakad gala.

Gobolada Mudug, iyo qaybo kamid ah gobolka Karkaar ayaa la saadaalinaya inay helaan roobab aan badnayn u na dhaxeeya xadi ahaan (10-30) mm.

Goboladda Bari, Gardafu, Haylaan iyo qaybo kamid ah gobolada Karkaar iyo Sanaag ayaa filashada roobka ee satimaankaan tahay mid hoseysa.

Bulshada kudhaqan degmooyinka Buuhoodle, Burtinle iyo dhulka hawdka ah ee u dhexeeya waa inay taxadar dheeriya muujiyaan ilaa 29bisha.

DHAMMAAD