Nin asalkiisu Hindi yahay oo noqonaya Ra’isalwasaaraha Uk

Rishi Sunak,ayaa noqonaya ra’iisal wasaaraha xiga ee UK kaddib markii Penny Mordauntay daqiiqadihii ugu dambeeyay isaga hartay tartanka .

Sunak,ayaa xilka kala wareegaya Liz Truss, todoba isbuuc kaddib markii ay isaga ugu adkaatay doorashadii tan ka horeysay.

Wuxuuna noqonayaa Rai’sal wasaarihii ugu horeeyay oo British-Asian ah oo qabto xilka ra’iisal wasaare isagoo 42 sano jir ah, taas oo ka dhigeysa kii ugu da’ada yaraa muddo qarni ah kaddib.