Madaxda DFS & Dawlad Gobaleedyada oo shir ku yeelanaya Muqdisho

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir wada-tashi oo deg-deg ah isugu yeeray Madaxda Dawlad gobaleedyada dalka.

Shirka oo ka dhacaya dabayaaqada bishan October, ayaa looga hadli doonaa xaalada guud ee dalka, si gaar ah la-dagaallanka Argagixisada, arrimaha kheyraadka dalka iyo xoojinta wada-shaqeynta heer Federaal iyo heer dawlad gobaleed.

Idilnews, ayaa heshay xog sheegaysa in qabsoomida kulankan uu daba socdo heshiis la xariira soo saarida shidaalka, oo dhowaan dhexmaray Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo shirkadda Coastline Exploration.

Lama oga, sida hoggaamiyayaasha Soomaalidu isugu raaci doonaan arrimaha qeybsiga kheyraadka dalka, oo kamid ah qodobada ugu waa weyn ee Soomaalidu isku heyso.

Dawladda Puntland ayaa dhowaan si adag uga timid qorshaha soo saarida shidaalka dalka, iyadoo uga digtay shirkaddaha caalamiga ah inay galaan heshiisyo ku saabsan shidaalka dalka.