Madaxweyne Mustafe oo ka hadlay dilka Xildhibaan Juweyriya

Madaxweynaha ismaamulka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar ayaa ka tacsiyeeyey dilkii loo gaystay xildhibaan Juweeriya Subcis oo ku dhimatay rasaas uu ku furay askari ku sugnaa garoonka diyaaradaha Jigjiga.

Masaxweynaha ayaa xaqiijiyey in gacanta lagu hayo askarigii dilka gaystay iska markaana la marin doono ciqaabta uu mutaysto.

Masaxweynaha ayaa intaas ku daray in la sameeyey guddi qabanqaabiya aaska marxuumadda.

Waxa kale oo uu sheegay in si buuxda gacanta loogu hayo in dadka dhaawacmay loo helo gargaar caafimaad.

Xildhibaan Juweeriya Subcis ayaa ka tirsanayd baarlamaanka ismaamulka Soomaalida, waxay sidoo kale xubin ka ahayd xisbiga talada haya ee Prosperity Party.

Xisbiga ay ka tirsanayd ayaa sidoo kale sheegay inay ka tacsiyeynayaan geerida marxuumadda.

Saddex qof oo kale ayaa ku dhaawacmay rasaasta oo uu ka mid ahaa xildhibaan kale oo ka mid ah baarlamaanka gobolka ismaamulka Soomaalida laguna magacaabo Cabdirashiid Maxamed Gaaruf.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay inuu socdo baaritaan