Sawir-qaadaha Madaxtooyada PL oo Sanadkii Labaad ku guulaystay Abaalmarinta USAID

Garoowe: 25 October 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa u hambalyo u diray Cabdiraxmaan Bulshaawi Sawir qaadaha Madaxweynaha Puntland, oo Markii labaad ku guuleystay Abaalmarinta Sawir qaadaha ugu wanaagsan sanadka oo ay bixiso Hay’adda USAID.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyay dadaalka iyo xirfada Sawir qaade Cabdiraxmaan Bulshaawi iyo guud ahaan shaqada Xafiiska Warfaafinta Puntland State House, iyadoo maamuus loo sameyn doono sawir qaade Bulshaawi si ay dhiirigelin ugusii noqoto Isaga iyo dhammaan shaqaalaha Madaxtooyada iyo guud ahaan Hay’adaha kala duwan ee Dowladda Puntland.

“Waxaan halkan ugu hambalyeeynaya Sawir qaade Cabdiraxmaan Ibraahim Maxamed (Bulshaawi), oo markii labaad ku guuleystay Abaalmarinta Sawir qaadaha ugu wanaagsan sanadka oo ay bixiso Hay’adda USAID Somalia.

Waxaan bogaadinaya Dadaalka iyo xirfada Sawir qaade Cabdiraxmaan iyo guud ahaan shaqada Xafiiska warfaafinta Madaxtooyada Puntland, tartamada noocan oo kale waa u muhim dhallinyarada waxay ka qeyb qaataan horumarinta xirfada qofku leeyahay iyo aqoontiisa, waxaan u rajeynayaa Cabdiraxmaan in uu halkaasi wado dadaalka Inshallah.

Hambalyo Bulshaawi,“ ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Cabdiraxmaan Bulshaawi Sawir qaadaha Madaxweynaha Puntland, waa markii labaad ee uu ku guuleysto abaalmarinta Sawir qaadaha sanadka ee ay bixiso Hay’adda USAID, waxayna ahayd sanadkii 2020-kii markii koowaad ee Abaalmarintan ku Guulaysto.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.