Waa kuma ra’isalwasaaraha Uk Ee badali doona Lizz

Dalka Britain, waxaa boggaga taariikhdiisa lagu qorayaa maanta in wiil ka soo jeeda dalalkii Boqortooyadda ay gumeysan jirtay inuu hoggaamin doono xafiiska u sarreeya ee siyaasadda dalkaa, markii la xaqiijiyay Rishi Sunak oo asal ahaan ka soo jeeda Hindiya iyo Kenya inuu noqonayo Ra’iisul wasaare.

Sunak waa 42 jir ku dhashay magaalada Southampton ee dalka Ingiriiska, waxaana iska dhalay waaliddiin u dhashay Hindiya oo ka soo haajiray Bariga Afrika.

Aabbihii Yashvir Sunak ,wuxuu ku dhashay Kenya gumeysiga ka hor, halka hooyadiis Usha Sunak ay ku dhalatay Tanzania. Labaduba waa Hindu Punjabis waalidkoodna waxay ka soo haajireen Hindiya una guureen Kenya iyo Tanzania. 1960-meeyadii, qoysaskii waalidkii waxay u guureen Southampton, Boqortooyada Ingiriiska. Hooyadiis iyo aabihiis ayaa markii dambe is guursaday. Sunak – waa kan ugu weyn labadiisa walaalo ah .

Aabbihiis wuxuu ahaa dhakhtar guud, halka hooyadiisna ay lahayd farmashiye. Rishi Sunak ,wuxuu wax ku soo bartay iskuulka gaarka loo leeyahay ee Winchester College – wuxuuna kabalyeeri ka ahaa maqaayad ku taalla Southampton xilliyada fasaxa, kaddib wuxuu cilmiga falsafadda, siyaasadda iyo dhaqaalaha ka bartay – jaamacadda Oxford.

Mar uu shahaadada heerka labaad ka dhiganayay jaamacadda Stanford ayay is barteen xaaskiisa Akshata Murty, oo ah gabadha uu dhalay Narayana Murthy, oo ah bilyaneer Hindiya u dhashay.

Sunak ayaa markii ugu horreysay loo doortay xildhibaan sannadkii 2015 wuxuuna ku qaatay laba sano kursiga. Sunak ayaa taageeray ka bixitaanka Midowga Yurub inta lagu guda jiro aftida 2016. Ka dib waxa uu noqday caawiye wasiir oo ka tirsan xukuumadda Theresa May.

Boris Johnson , ayaa u magacaabay wasiirka Maaliyadda 2019 iyo jagada Chancellor-ka ee 2020, xilligaa oo u ahayd xilkii u sarreeyay ee u qabto, fursadaa iska-ma uusan qasaarin ee wuxuu noqday qof caan ah , markii uu daaha ka qaaday qorshe taageero o ballaaran oo loogu talagalay kuwa aan awoodin inay shaqeeyaan inta lagu jiro xannibaadda Covid-19.

Sunak, waa xirfadle ganacsi iyo maaliyadeed, markii xildhibaanka loo doortay , waxaa lagu tilmaamay ninka ugu taajirsan Baarlamaanka , balse marna arrintaa kama falcelin , mana aha qof dhaqaalaha uu heysto muujiya ama ka hadla, isaga iyo xaaskiisa- waxaa lagu sheegay 800 milyan illaa 1 bilyan oo dollar inta u dhaxeysa inay heystaan.

Waqti xaadirkan, mudane Sunak wuxuu beddelayaa Liz Truss oo toddobo isbuuc ka hor uga guuleysatay tartankii , iskudey uu ku dooneyay inuu noqdo Ra’iisul wasaare, doonista oo uu hadda ku guuleystay. Waxaa dhaarin doona Boqor Charles III ka hor inta uusan si rasmi ah u noqon Ra’iisul wasaaraha ugu da’da yar ee muddo labo qarni ah tegaya xafiiska 10 – taas oo la filayo inay dhacdo berri.