Video:-Xal Uhelida Daadadka Qardho oo kulan laga yeeshay

Qardho, October 25, 2022: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa oo ay weheliyaan Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maareynta Masiibooyinka, ayaa soo gaaray magaalada Qardho.

Wasiirada ayaa kulan la qaatay maamulka Degmada Qardho, kan Goobolka Karkaar iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Kulankaas ayaa waxaa looga wada hadlay sidii xal waara loogu heli lahaa daadadka magaalada Qardho qaada xili roobka.

Halkan ka daawo muuqaalka

Dhammaad

Xafiiska warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.