Xildhibaanad ku Geeriyootay Rasaas ka dhacday Gudaha Garoonka Diyaaradaha Jig-jiga

Xildhibaan Juweriya Subcis oo ka tirsan Baarlamaanka Deegaanka Soomaalida ayaa ku geeriyootay rasaas uu furay Askari ka tirsan Ciidanka Federaalka Itoobiya oo ku sugan Garoonka Diyaaradaha ee Garaad Wiil-waal.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in ay jiraan dhaawacyo soo gaadhey dad kale oo ku sugnaa Gudaha Garoonka, kuwaasi oo ah dad Somaliyeed.

Dhacdadan ,ayaa la sheegay in ay sababtay muran soo kala dhex-galay Askari Somali ah iyo Midka Xabashiga ah ee rasaasta furay.

Ma jirto ilaa hadda cid ka tirsan Maamulka Deegaanka Somalida oo ka hadashay dhacdadan.