Dowlada Itoobiya iyo TPLF oo wadahadalo rasmi ah ubilowdeen

Wadahadaladii ugu horeeyay ee nabadeed oo rasmi ah oo lagu soo afjarayo dagaal Laba sano socday oo u dhaxeeyay Ciidamada Itoobiya iyo Ciidamada zgobolka Tigreega ee Waqooyiga dalkaasi,ayaa maanta oo Talaado ah ka furmay dalka Koonfur Afrika, waxaana la soo gabagabeyn doonaa maalinta Axadda ah, sida ay sheegtay Dowladda Koonfur Afrika.

Wadahadaladan waxa ay fursad uyihiin in la soo afjaro colaad ay ku dhinteen kumanaan Qof kuna barakeceen Malaayiin Qof, Boqolaal kun oo kalena ay qarka u saaran yihiin macaluul.

Colaada ka jirta Waddanka labaad ee ugu Dadka badan Afrika, ayaa khalkhal galisay xasilloonida guud ee Gobolka Geeska Afrika.

Wadahadallada oo ay dhexdhexaadinayaan Midowga Afrika,ayaa billowday iyadoo Dowladdu ay guulo la taaban karo ka sameynaysay furimaha dagaalka, iyadoo la wareegtay dhowr magaalo oo waaweyn oo Gobolka Tigray ah isbuucii la soo dhaafay.

Weerarada Dowladda, oo ay si Wadajir ah u fuliyeen Ciidamada huwanta ah ee ka socda dalka ay deriska yihiin ee Eritrea, ayaa sare u qaaday cabsida laga qabo in dhibaato kale loo geysto dadka rayidka ah, taasoo keentay in hoggaamiyayaasha Afrika, Mareykanka iyo Yurub iyo Pope Francis ay ku baaqaan xabbad joojin iyo wadahadal degdeg ah.

“Koonfur Afrika waxa ay rajaynaysaa in wada-hadalladu ay u socdaan si wax-ku-ool ah oo ay ka soo baxaan natiijo guul ah oo horseedda nabad waarta oo ay helaan dhammaan dadka ku nool dalka aynu walaalaha nahay ee Itoobiya,” ayuu yiri Vincent Magwenya, afhayeenka madaxweynaha Cyril Ramaphosa.

Kooxda dhex dhexaadinta Midowga Afrika waxaa hogaaminaya Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo, oo ay taageerayaan Madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta iyo Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Koonfur Afrika Phumzile Mlambo-Ngcuka.

Wakiilada Qaramada Midoobay iyo Maraykanka,ayaa uga qaybqaadanaya Wadahadalada goob-joogayaal,sida Midowga Afrika xaqiijiyay.