Gobolka Haylaan oo laga soo Afmeeray qiimaynta Goobaha diiwaangelinta iyo Seejooyinka Codbixiyayaasha

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ee qiimaynta Goobaha Diiwaangalinta iyo Seejooyinka codbixinta ka sameynaya Gobolka #Haylaan ayaa kulamo wacyigalin iyo is xogwaraysi ah la yeeshay Maamulka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Degmada Ceelaayo ee Gobolka Haylaan.

Bulshada qaybaheeda kala duwan,ayaa aad usoo dhaweeyay shaqada Guddiga ee Doorashooyinka Qof iyo Codka ah ee Puntland iyagoo sheegay inay diyaar yihiin dhankooda codkoodana ay ku dooranayaan cidda u qalanta.

Xubnaha Guddiga iyo hawlwadeenada Guddiga ee qiimaynt iyo kormeerka Gobolka Haylaan oo muddo laba Tofobaad ah ka shaqaynayay dhamaan Degmooyinka Gobolka Haylaan,ayaa soo dhameeyay shaqada kormeerka,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka