Jurille oo loo magacaabay Lataliye Sare oo Dimuqraadiyaynta iyo Maamul wanaaga ah

MADAXWEYNAHA JFS OO MAGACAABAY LATALIYAHA SARE EE ARRIMAHA DIMUQRAADIYEYNTA IYO DOWLAD-WANAAGGA

Muqdisho, Oktoobar 26, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Cabdirisaaq Cismaan Xasan “Juurile” in uu noqdo Lataliye Sare ee dhanka dimuqraadiyeynta iyo dowladda wanaagga.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Porf. Juurile uu khibrad iyo aqoon durugsan u leeyahay qaab-dhismeedka dowladnimada Soomaaliyeed, duruufaha ku xeeran dalkeenna iyo qorsheyaasha dib u dhiska qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Lataliyaha sare ee dimuqraadiyeynta iyo dowladda wanaagga, in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu u magacaabay, waxa uuna kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka.

Lataliye Cabdirisaaq Cismaan “Juurile” ayaa horey u soo qabtay xilal Wasiirnimo oo heer Federaal ah, waxa uuna ka soo mid noqday labada Aqal ee Baarlaamanka Federaalka Soomaaliya, sidoo kalena waxa uu ka soo shaqeeyey arrimaha horumarinta dowladdnimada iyo bulshada.

DHAMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Abdikadir Ali Dige,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia