Ma dhabaa in Wiilka M.Deni Xubin ka noqday Gudiga Shidaalka Somaliya?

Majirto Xubin Puntland loogu daray Gudiga Shidaalka ee aan lagu midaysnayn.

Sidoo kale Wiilka Madaxweyne Deni kama mid noqon Gudiga Shidaalka.

Puntland ma aqoonasana Hay’ada Shidaalka Somaliya kumana leh Xubno ku matala.

Gudoomiyaha Hay’ada waa Nin kasoo jeeda Galmudug ku xigeenkuna waa Gabar Beesha reer Awxasan ah oo xiligii Fahad la keenay.

Puntland waxay taagan tahay ka hor intaan lagu heshiin arinka Shidaalka in la wada hadlo oo la fuliyo Sharciyada iyo xeerarka

Qodobada ay Puntland ku doodayso,waxaa ugu horeeya in ay hesho Gudoomiyaha Hay’ada Shidaalka hankeeduna waa ka sareeyaa Xubin Gudiga ah.

Heshiiskii Baydhabo Puntland dood ayay ka qabtaa iyo in dib u eegis lagu sameeyo.

Hadalka Madaxweyne Deni kusoo dhaweeyay horumarka Shidaalka laga samaynayo mahan micnihiisu in Puntland qayb ka tahay Saxiixa Madaxweyne Xasan ee 7-da Boloog.

Balse si guud,ayuu umuujiyay in horay loo socdo Madaxweyne Deni.

Dowlada Puntland waxay soo dhawaynaysaa ka faa’idaysiga Khayraadka ,iyadoo la dhowrayo lsna raacayo xeerarka iyo shuruucda Dalka” Ayuu yiri M.Deni.

Halkan ka daawo muuqaalka