Madaxweyne Deni oo magacaabay Maxkamada Sare Ee Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 75 ee 26-ka Oktoober 2022 kuna saabsan Magacaabida Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland

Markuu arkey: Qodobka 80-aad farqadda 18-aad, ee Dastuurka Dowladda Puntland, kuna saabsan Awoodaha iyo Masuuliyadda Madaxweynaha, ee magacaabida Garsoorayaasha Madaxkamadda Sare.

Markuu arkey: Qodobka 90-aad farqadaha 1 iyo 2 ee Dastuurka Dowladda Puntland,
kuna saabsan xubnaha Maxkamadda Sare.

Markuu arkey: Qodobka 91-aad ee Dastuurka Dowladda Puntland, kuna saabsan shuruudaha lagu noqon karo Garsoore Maxkamadda Sare.

Marku la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland

Waxuu xeeriyey
Qodobka 1-aad

Waxaa Mudanayaasha hoos ku xussan loo magacaabey Garsoorayal Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland, mudda xileed 5 sana ah, sida uu qeexayo qod. 90-aad farqadda 3, ee Dastuurka Dowladda Puntland.

  1. Xassan Yuusuf Nuur Guddoomiye
  2. Axmed Sheikh Cumar Xassan Guddoomiye Ku-xigeen.
  3. Saciid Axmed Faarax Garsoore.
  4. Maxamuud Cawad Cumar Garsoore.
  5. Saciid Maxamuud Maxamed Garsoore.
  6. Maxamed Cabdirisaaq Aw Cilmi Garsoore Kayd ah .
  7. Aadan Axmed Moxamed Garsoore Kayd ah

Qodobka 2-aad

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

DHAMMAAD