Mudug oo yeelatay Talye Boolis oo cusub

Talyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug Gaashaanle Sare Maxamuud Cabdixakiin Yuusuf.

Xaqiiqdii waa Nin Dhalinyaro oo firfurcoon kuna soo jiray Ciidanka ilaa hanqaadkiisii.

Waxuu ahaa hada Talyaha Rugta Ilaalada Madaxtooyada Dowlada Puntland ee Garowe ilaa Dowladii Gaas.

Waxaa dhalay Talyihii Qaybta Booliska Gobolka Bari Cabdixakiin Yuusuf Xuseyn oo hada ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland.

Mudug waa Gobol muhiim u ah Amniga Puntland oo hada lasoo dhisay Laamihiisa Amaanka.

Inkastoo Muumin laga soo kaxeeyay hadana in hogaanka Booliska Puntland loo dhiibo waa fursad weli Mudug ilaalinaysa.

Muumin,waxaa looga fadhiyaa in uu si gaar ah Isha ugu hayo Mudug oo ah taariikhdiisii waxqabad.

Jibril Qoobey.