Talyaha la dagaalanka argagixisada oo la magacaabay

Garoowe: 26 October 2022 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 79 ee 26-da Oktoober 2022, kuna saabsan magacaabid Taliyaha La Dagaalanka Argagixisada.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo aragnimadiisa Ciidanimo

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa S/Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse loo magacaabay Taliyaha La Dagaalanka Argagixisada.
  2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuxuu saxiixay.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.