XUSID MURUGO MAALINTII MADOOBEYD EE SOMALIYA.!!

26kii Oktoobar 1978, waa maalin madaw oo taariikhda Somaliya ku reebtay mahadho horseeday burbur dal si sharaf leh xoriyad u qaatay 1dii Luulyo 1960.

Waxaa maalintaas oo laga joogo 44 sano uu Taliskii General Siyaad Bare ee Somaliya xooga ku heystay uu si wadar ah ugu toogtay magaalada Muqdisho 17 Saraakiil ciidan iyo rayid Somaliyeed isugu jidhay.

Ragaas la laayey waxaa Madax u ahaa Gaashaanle Sare Maxamuud Shiikh Cusman (Col. Cirro), kuwaas oo lagu eedeeyey inay isku dayeen Afgambi ciidan 9kii Abriil 1978.
Dilkaas oo ahaa kii u weynaa ee noociisa ah ee ka dhaca Caasumadda Muqdisho, marka laga soo tago kii loo geystay 10kii culumada ahaa 1975tii iyo saraakiishii 3da aheyd General Gabeyre, General Caynaashe iyo Col. Dheel ee 1972, wuxuu taliskaasi galiyey dalka xaalad qalafsan iyo kala furfurasho ku timaada isku duubnidii ummadda Somaliyeed.

Waxaa gacan adag iyo siyaasad qalafsan xukunkii Militari ee Somaliya ku soo rogay Goboloda qaarkood, sida Mudug, Nugal iyo Bari, taasi oo aakhirkii u horseeday dadkii ku noolaa deegaanadaas kacdoon iyo iska caabin lagala hortago cadaadiskii General Siyad Barre oo Somaliya markaas xooga ku haystay mudo 9 Sanadood ah (1969-1978).

Boqolaal qof ayaa la qabqabtay oo jeelasha ciqaabta loo taxaabay, dhac, kufsi, dilal wadareed, burburin deegaaneed, barakac iyo qixid ayaa loo geeystay dad Somaliyeed oo dalkoodii si nabad ugu noolaa.

Taasi waxaa ka dhashay in dad fara badan qaxaan una talaabaan dhulka Xabashidu (Itoobiya) haysato ee Somali galbeed dabayaaqadii 1978, 1979 iyo 1980. Boqolaal kalana waxay u baxsadeen dalalka Kenya, Yugandha, Tanzaniya iyo Zambiya. Sidoo kale waxaa loo hayaamay ama baxsadey Jabuuti, Gacanka Carbeed, Iiraan, Israiil, Yurub, Kanada iyo Mareykanka iyadoo dadkaas markiiba qaxooti siyaasadeed loo aqoonsadey laga bilaabo sanadkii 1979.

Waxaa halkaas ka dhashay markii dambe in Somalidii dibadaha u yaacday ay is abaabulaan una adkeysan waayaan dhibaatada ka taagan dalkooda markaasna ay bilaabeen dhismaha Urur ama Jabhad lid ku ah Taliskii General Siyaad Barre ee Somaliya xooga ku haystay mudada 9ka sanadood aheyd.

8dii Febraayo 1979, waxaa lagaga dhawaaqay, Nairobi, Addis Ababa, Roma iyo London Urur siyaasadeed oo leh garab ciidan hubeysan – Jabhadda Badbaadinta Somaliya (the Somali Salvation Front SSF), isuna bedeshay SSDF 1981 iyo idaacad codkooda ku hadasha -RADIYO KULMIS.

Waxaa uu Xisbigaani ama Jabhadaasi ee Somalidii dibadda u yaacday dhisteen Madax looga dhigay Mustafa Haji Nuur, oo kasoo jeeday Somaliland. Waxaa ku-xigeenka 1aad noqday Alxaaji Cumar Maxamed Isterlin oo Muqdisho/Banaadir kasoo jeeday, ku-xigeenka 2aad waxaa ahaa Col. Cabdullahi Yusuf Axmed oo Puntland u dhashay, ku-xigeenka 3aadna waxaa noqday Maxamed Maxamud Shandiile, Dhuusamareeb Galmudug u dhashay.

Waxaa kale oo golihii dhexe ee 23 Xisbiga ama Jabhadda hubeeysan ka mid ahaa Col. Cabdulkadir Ekex Warsame Galbeeti, oo Saldanadii Hobyo Galmudug ka soo jeeday, Maxumud Caynaashe Guleed, reer Togdheer, Suleyman Dahir Afqarshe, reer Sool, Maxamed Mooge Liibaan, reer Hargeysa, Dr. Xasan Cali Mire, Gallkacyo, Dr. Osman Nur Qonof, Qardho. Cabdisalam Aw Samatar, Garowe, Ismaciil Daud Cigaal, Barbara, Yusuf Mohamed Dirir, Ceerigabo, Cabdi Axmed Rooble, Gabiley, Col. Abshir Muse Siciid, Bosaso, Cabdullahi Xasa, Cadaado, Hodan Jamac, Buurtinle iyo qaar kaleeto oo badankood geeriyooday.

Waxaa kale oo kusoo biiray hogaankii sare ee mucaaradkaas Maxamed Faarax Jimcaale, Cabdullahi Xasan Faash, Cumar Salaad Cilmi, Cali Cosoble Wardhiigley, Cabdiraxman Caydiid, Iikar Maxamed Xuseen, Cabdi Muxumud Amiin, Maxamed Xashi Geedi Baabow iyo qaar kalo ku lahaa magac sare bulshada Somaliyeed.

SSF/SSDF waxay noqotay mucaarad siyaasadeed oo leh cudud ciidan, una istaagay marka hore in ay ka hortaagaan tacadiga iyo cadaadiska Taliskii Militari ee Siyaad Bare ay ku hayeen Gobolada Dhexe – Galgaduud, Mudug, Nugaal iyo Bari ee Somaliya.
Kacdoonkaas iyo iska caabintaas, waxay ku dhiiri gelisay Gobolada kale ee Waqooyi iyo Koonfur Somaliya in ay dadkii kale ee Somaliyeedna iyana ka gilgishaan cadaadiska iyo in lagu dhiiranaan karo ka hortaga waxkatoo foolxuma aheyd ee Taliskii Ciidan ee Muqdisho ka dhisnaa uu dadka Somaliyeed ku hayey.

Waxaa hogaamiyihii Taliskaas Kacaanka sheegtay Jaale Siyaad Bare si cad u sheegay in haddii aan la iska dhaafin maamulkiisa aan dal, dad iyo dawlad ka dambeeysa loogu imaan doonin Somaliya. Waxaa kale oo laga hayaa markii loosoo jeediyey inuu sameeyo tanaasul siyaasadeed, in uu kusii hanjabo oo yiraado Qori iyo Xoog ayaan xukunka ku qabsaday 21 Oktoobar 1969, kuna haysan doonaa. Ciddii xukunka dooneysana waa in ay awoodaas la timaadaa.

Somaliya waxay ku dhacday gacanta kaligitaliye manaxa ah oo Allah iyo bani aadamba ku falaagoobay iyo kooxo taageersan oo aan wadaniyiin aheyn kana hormariyey dantoodii gaarka aheyd dantii Qaranka iyo jiritaanka dalkooda iyo dadkooda.

WQ.Beydan Luqunmadow.