Akhriso: Ajandaha Kalfadhigga 51-aad ee Baarlamaanka Puntland

Baarlamaanka Puntland ayaa shaaciyay Ajandaha rasmiga ah ee Kalfadhigga 51-aad ee Golaha, kaas oo ay shalay ansixiyeen Xildhibaanadu.

Ajandaha oo ka kooban 13 qodob ayaa uu Goluhu ku shaqeyn doonaa inta uu socdo Kalfadhigga 51-aad, waxaana kamid ah u yeerida Wasiirka cusub ee Arrimaha Gudaha Puntland Cabdi Faarax Juxa, si wax looga weydiiyo soohdimaha degmooyinka ee dhowaan ay shaacisay Wasaaraddu.