Koonfur Afrika oo carro ka muujisay digniinta argagixisnimo Ee Maraykanka

Dowlada Koonfur Afrika,ayaa hoos u dhigtay digniinta safaaradda Mareykanka ee ku aaddan khatarta suurtagalka ah ee weerar argagixisanimo in uu ka dhaco Todobaadkan dhamaadkiisa Johannesburg.

Safaaradda Mareykanka ayaa arbacadii kula talisay shaqaalaheeda in ay ka fogaadaan isku imaatinka Dadka faraha badan Aagga weyn ee Sandton Johannesburg.

Madaxtooyada Koonfur Afrika oo ka jawaabaysa digniinta Maraykanka,ayaa tiri..

“Waa xiriir caadiya oo Dowlada Maraykanku ay la leedahay Muwaadiniinteeda kuna siiso xogaha amni ee markaa laga baqsan yahay”.

Madaxtooyadu waxay si xoog badan ucadaysay in Ciidamada amaanka ee Koonfur Afrika mas’uuliyad ka saaran tahay ciidamada sidii ay u sugi lahaayeen ammaanka iyo badbaadada dhammaan Dadka ku nool dalka Koonfur Afrika.

“Hadii khatar ay soo fool leedahay Dowlada Koonfur Afrika waa mida ugu horaysa ee Shacsbka,wayna la socdaan hay’adaha sharciga wax kasta oo khatar ku ah muwaadiniinta iyo Qaranka”Ayay tiri KA.

Ugu danbayn Wasiir ka tirsan Madaxtooyada KA oo ay soo xigatay warbaahinta maxalliga ah Arbacadii ayaa sheegay in “Qaylo-dhaantu way socotay balse ilaa hadda wax caddayn ah looma hayo”.

Hadalka kasoo baxay Madaxtooyada KA,ayaa umuuqda in Dowlada KA ka carootay digniinta argagixisnimo ee Maraykanku kaligii soo saaray,isagoon la wadaagin ama tixgelin hay’adaha amaanka Koonfur Afrika.

Xigasho:-BBC.