Muxuu daaran yahay Shirka Eyl Ee Aaran-jaan?

Kooxda Aaran iyo Faroole,waxay iskugu tageen Eyl kadib markii Garowe uu buuq uga furmay.

Yaa tagey Eyl?

Eyl,waxaa Hotel ka dhistay Faroole,waxaana lagu gabaday xarig jarka Hotelkaas,waxaana iskugu tagey Raga kala ah…

1.Faroole
2.Maxamud Shido.
3.Xasan Shire.
4.Cabdi Yare.
5.Aadan Dolar
6.A.Caydiid.
7.Jaamac Dhaga-dheere.

Waxay uyeerteen Islaan Ciise si loo heshiisiiyo Faroole oo xurguf kala dhaxaysay qaybna looga galiyo qorshahooda.

Suldaan Garaase waa ka cudurdaartay utagistooda,waxaana saamayn ku yeeshay Siyaasiyiinta kale.

Hadafkoodu muxuu yahay?

Waxay diyaarinayaan qorshe balaaran oo ay uga hor tagayaan 15-Nov Diiwaangelinta la filayo in ay dhacayso.

1.Faroole 10-Gaari oo Tiknika ah.

2.Xasan Shire 10-Gaari oo Tikniko ah.

3.Cabdi Yare 10-Gaari Tikniko ah.

4.Jimcaale in la kaxaysto.

In ay ka hawlgalaan Nugaal,Mudug iyo Bari.

Dhaqaalaha yaa bixinaya”

Lacagta lagu hawlgalayo,waxaa la saaray Xubnaha ku jira Dowlada ee iskugu jira Agaasimayaasha iyo Agaasime Waaxeedyada macnaha leh..

1.Agaasimaha Caafimaadka.
2.Agaasimaha Deegaanka.
3.Agaasimaha Dakhliga Maaliyada.
4.Agaasimaha Machadka.
5.Agaasimaha .Arimaha Gudaha.
6.Gudoomiye xigeenka Bangiga.

Qorshahaas way gaareen dhawaana waxay ku dhaqaaqayaan fulintiisa kooxda iyo Aabahood.

Waxaa xusid mudan in khilaafkii dhexdooda ka jiray ay meel iska dhigayaan oo ay ku midoobayaan ka hortagida Dimuqraadiyaynta.

Erayga ay isticmaalayaan”

(Mudo kororsi,ayaan ka hor tagaynaa).

Jibril Qoobey.