Ergayga Qaramada Midoobey Ee Somaliya oo shaqadiisii soo idlaatay

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee mudadiisii shaqo ee Somaliya ay soo idlaatay,ayaa Madaxweyne Deni sagootiyay saakay.

Swan,wuxuu ku soo beegmay xiligiisii shaqo wakhti adag.

Xaqiiqdii,wuxuu sameeyay isku miisaamid Xukuumaaddii dhibka badnayd iyo Mucaaradkii hubaysnaa.

Mararka qaarkood waxaa lagu eedeeyay in uusan si adag uga hortegin damacii Farmaajo.

Balse,wuxuu maalulayey safaarado kala aragti duwan oo dhib badan iskuna khilaafsan arrimaha Somaliya.

Waxaase laysla qirsanaa in uu ahaa Diblomaasi adag oo khibrad weyn lahaa.

Jibril Qoobey.