Hawlgalka Macawisleyda oo lagu badali doono hawlgal Qaran

Qodobka Amniga waxay ubadan tahay in laysku raaco oo uu kasoo baxo heshiis,sida noo xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Villa Somaliya.

Arimaha la filayo in laysku raaci,ayaa waxaa ka mid ah….

1.Joojinta hawlgalka Macawisleyda.

2.Hawlgelinta Ciidamo isku dhaf ah.

3.In laysku keeno Ciidan 6000 oo Askari ah.

4.In Taariikh isku mar ah guud ahaan Dalka laga bilaabo hawlgalka la dagaalanka argagixisada.

Hawlkaas,waxaa taageeri doona dhaqaalaha ku baxaya Beesha caalamka,gaar ahaan Maraykanka.

Hubka la isticmaali doono,waxaa Dowlada Fadaraalka loo fasaxay in ay toos uga soo iibsan karto Itoobiya.

Puntland hawlgalka”

1000-Askari,ayay ku daraysaa Ciidamada 6000 ah ee bilaabi doona hawlgalkaas.

Waxay qaybteeda heli doontaa Dhaqaalaha,Hubka iyo Saadka.

Sidoo kale Buuraha Bari ee argagixisadu ku dhuumaalaysato,ayaa qayb ka noqon doona hawlgalka Wadajirka loo bilaabi doono.

Maraykanku,waxuu kaloo ka taageeri doonaa hawlgalka dhanka Cirka.