Kal-fadhiga Baarlamaanka Puntland oo si habsami leh usocda

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 4-aad ee Kalfadhiga 51-aad Golaha Wakiillada DPL.

Ajanadaha kulanka oo ahaa dhageysiga warbixinnada Guddiyada, ayaa waxaa warbixinno ka jeediyey Golaha Guddiyada kala ah:

1) Guddiga Arrimaha Golaha & Anshaxa.

2) Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta & Dastuurka.

3)Guddiga Arrimaha Deegaanka iyo Kheyraadka Dabiiciga ah.

Warbixinnada ayaa ku saabsanaa kormeerro iyo xog ururin ay Guddiyadu ku soo sameeyeen hay’addaha Dawliga ah ee ay korjoogtada ku leeyihiin.

Halkan ka daawo muuqaalka

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland