Qodobada Looga heshiiyay Shirka Madaxweynayaasha Ee Muqdisho oo aan…

Sida la filayo Qodobadan,ayaa qayb ka noqon doona Warmurtiyeedka kasoo baxaya Shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

1.Dhamaystirka Dastuurka oo hada meel gabo gabo ah maraya,ayaa laysla gartay in la dhamaystiro inta harsan.

2.Dagaalka Nabad diidka,ayaa lagu heshiiyay in guluf balaaran oo wada jir ah lagu qaado.

3.Qaybsiga khayraadka,ayaa Gudi in loo saaro lagu balamay lana dhamaystiro habraaca dhiman mudo kooban lagu dhameeyo.

4.Isku xirka Wasaaradaha heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed,ayaa lagu heshiiyay.

5.Abaaraha,ayaa lagu heshiiyay in gurmad lawada gaarsiiyo Dadka Abaarahu saameeyeen,dakhliga iyo Raashinka lahayana loo jiheeyo meelaha Abaartu saamaysay.

Waxaa laysku raacay in aan lagu soo darin War murtiyeedka mudo kororsiga Madaxda DG qaarkood soo jeediyeen maadaama wakhtigan xaalad dagaal lagu jiro.