Puntland oo ka hor timid mudo kordhin loo sameeyo Dowlad Goboleedyada Dalka

Madaxweyne Deni kama qayb galin kulanka ku darsashada Halka Sano,waxayna wararku sheegayaan in uu soo jeediyay in aan lag⁹u deg-degin arinkaas,Madaxweynaha Fadaraalkuna ayiday aragtida Puntland.

Puntland raali kama ahan wax ku darsasho ah oo ka hirgala gudaha Puntland iyo Guud ahaan Somaliya”sidaa waxaa ii xaqiijiyay Xubin muhiim ah oo ka mid ah weftiga PL.

Waxaa laysku raacay in aan lagu soo darin War murtiyeedka mudo kororsiga Madaxda DG qaarkood soo jeediyeen maadaama wakhtigan xaalad dagaal lagu jiro.

Madaxweyne Deni Beri in uu kusoo laabanayo Puntland ayay wararku sheegayaan halka Madaxweynaha Fadaraalku udhoofayo Shirka Jaamacada Carabta ee Aljeeriya.

Jibril Qoobey.