Trump miyaa dib loogu ogolaanayaa isticmaalka Bartiisii Twitter-ka?

Donald Trump,ayaa si kulul u dhaleeceeyay shirkadda Twitter-ka, markii ay ka xirtay account-kii uu ku lahaa, iyadoo loo cuskadey arrimo ammaan.

Ka dib rabshadihii ka dhacay Capitol Hill-ka, shirkadda Twitter-ka, ayaa sheegtay inay ka joojisay Donald Trump in farriimo galiyo bartooda, taasoo loogga gol leeyahay “sababo loogga hortagayo khatarta hurin colaadeed”.

Trump,ayaa dacweeyay Twitter-ka, isagoo ku tilmaamay waxa ay kula kaceen wax ka baxsan ” faafreeb”.

Si kastaba ha ahaatee, ka joojinta “joogta ah” ee Trump dhanka shirkadda Twitter-ka, ayaa haatan waxay u eg tahay mid aan la hubin.

Elon Musk, ayaa bartiisa twitterka kusoo qoray inuu soo bandhigi doono “gole” go’aan ka gaari doonna, haddii Donald Trump loo ogolaan doono iyo in kale.

Laakiin haddii Trump lagu casuumo inuu dib ugu soo laabto masraxa bartan, waxaa laga yaabaa in dadka qaarkii ay u maleeyaan wax aan macquul ahayn.

Sida Elon Musk, Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa wuxuu jecel yahay Twitter-ka.

Trump ayaa waxay u ahayd bartani masraxii sida tooska ah ugu xiray codbixiyayaasha, isagoo hareer maray warbaahinta soo jireenka ah.