Xakamayntii Saxaafadu waxtar bay unoqotay deganaanshaha Bulshada

Si Qaran,ayaa loo xakameeyay wararkii been abuurka ubadnaa ee Baraha Bulshada yaaci jiray markii Qarax dhaco.

Wararkaas waxay ukala qaybsanaayeen kuwo ay Sadex jiho kala maalgalinayeen…

1.Kuwo N&N haraadigeedii ay maalgelinayso.

2.Kuwo Argagixisadu maalgelinayso.

3.Kuwo lagu raadinayo daawasho ama akhris.

Amaradii horay usoo baxay wax weyn ayay ka tareen xakamaynta Wararka wax yeeli jiray Amniga.

Meel aan Somaliya ahayn oo Wararku faaf reeb aysan lahayn kama jirto caalamka.

Saxaafada caalamku waa mid iyadu masuul ah,Wadaniya oo Dalka iyo Dadka udamqata ama mid laga masuul yahay oo la xakameeyo.

Caasimadaha Caalamka marna Bulshada si sax ah loolama wadaago khasaaraha dhaca ee waa laga xakameeyaa,sababtoo ah Noloshooda,ayuu saamayn ku yeelanayaa.

Tusaale”

Todobaadyadii ugu horeeyay Saxaafada Caalamku waxay si weyn uqaadaa dhigtay khatartii Corona-ha,iyadoo Saacad-saacad Bulshooyinkooda ula wadaagayay inta Qof ee ugeeriyootay iyo inta Qof ee uu soo ritay.

Balse Gudiyo Qaran,ayaa ka fariistay markii Bulshooyinkii argagax ku dhacay,waana la joojiyay Update-kii Saxaafada,waxaana looga dhigay wax caadiya.

Maanta Corona waa jiraa,waa loo dhintaa argagixiina hoos buu udhacay oo Nolol maalmeedkuu ka mid noqday.

Qaraxyadii Maanta dhacay waxay ahaayeen weerar lagu soo qaaday Amniga Qaran ee Somaliya.

Qabiil gaar ah,Magaalo gaar ah iyo koox gaar ah oo ay ku socdeen majirin.

Haloo midoobo la dagaalanka argagixisada.

Jibril Qoobey.