Ku dhawaad Boqol Qof oo ku Geeriyooday Qaraxyadii Sabtidii

Ugu yaraan 100-Qof,ayaa ku geeriyooday halka 300-Qof oo kalena ay ku dhaawacmeen labadii qarax oo Baabuurta loo adeegsaday.

Waxaa si rasmi ah ugu dhawaaqay Madaxweynaha Fadaraalka Xasan Shiikh Maxamuud.

Madaxweynaha,ayaa ka codsaday beesha caalamka in ay u soo diraan Dhaqaatiir iyo Agab Caafimaad si ay ula tacaalaan dhaawacyada.

Si la mid ah Madaxweynaha,ayaa ku booriyay shacabka in ay tagaan isbitaalada oo ay dhiig ugu deeqaan Dadkii ku dhaawacmay weerararadan.

Xasan Shiikh,ayaa ballanqaaday in Waxbarasho lacag la’aan ah uu siin doono Carruurihii ay ka tageen Dadkii ku le’eday weerarradii Shalay iyo kuwii ka horeeyay ee Al-shabaab.

Jibril Qoobey.