Baarlamaanka Puntland oo u yeeray xubnaha magacaaban ee Maxkamadda Sare + VIDEO

Baarlamaanka Puntland ayaa maanta u yeeray xubnaha cusub ee dhowaan loo magacaabay Maxkamadda Sare ee Puntland, si loogu qaado codka kalsoonida ah.

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo saaka yeeshay kulankoodii 6-aad ee Kalfadhigga 51-aad, ayaa cod galiyay soo jeedin ka timid Guddoonka Golaha Wakiillada, oo ahaa in berri cod loo qaado xubnaha magacaaban ee Maxkamadda Sare.

Xildhibaano gaaraya 37 oo kamid ahaa 41 Xildhibaan oo xaadiray kulanka maanta, ayaa u codeeyay in berri ay yimaadaan xubnaha Maxkamadda Sare Baarlamaanka hortiisa.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhowaan isbedel ku sameeyay Xubnaha Maxkamadda Sare ee Puntland, kaddib markii ay Baarlamaanka Puntland horey u diideen xubnihii hore ee uu magacaabay oo uu hoggaaminayay Axmed Taaraan.