Maleeshiyaad katirsan Somaliland oo gudaha u galay Boocame

Ciidanka maamulka Somaliland ayaa maanta gudaha u galay degmada Boocame ee gobalka Sool, oo horey ay ugu sugnaayeen Ciidammo katirsan Booliska iyo kuwa Difaaca Puntland.

Wararka ayaa sheegay in maleeshiyaad kasoo jeeda Sool, ee ka mushaar qaata Somaliland oo gudaha u galeen magaalada ayna ku sugnaayeen saacado kooban.

Maleeshiyaadkii galay Boocame ayaa dib uga baxay magaalada, waxaana jira kulamo ay la yeesheen waxgaradka deegaanka oo ay isku beel yihiin.

Boocame ayaa kamid ah degmooyinka Sool ee gacanta Puntland ku jiray. Xukuumadda ayaa dhowaan shaacisay inay ku jirto Boocame 37 degmo ee la qorsheynayo in horaanta sanadka 2023 laga qabto doorashooyinka qof iyo codka ah ee Golayaasha deegaanka degmooyinka Puntland.