Shirka Wadatashiga Qaran oo laga soo saaray Warmurtiyeed

Hoggaamiyayaasha Madasha Wadatashiga ee kushirsanaa 3dii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa soo saaray.

1- Somaliland ayaa loogu baaqay in ay ilaashadaan Nabadda iyo Xasiloonida.

2- Waxaa ganacsatada Puntland ayaa lagu bogaadiyey dhismaha dekeda Garacad & Iskudayga Dimuquraadiyadda.

3- In mudnaan gaar ah lasiiyo dhameystirka Dastuurka, gaar ahaana qodobada Siyaasiga ah, lagana wada hadlo oo dhinacyada siyaasaddu ka wada tashadaan.

4- Golaha ayaa isku raacay in la dhameystiro guddiyada Dawlad gobaleedyada si loo dhameystiro dhameystirka Dastuurka.

5- In dalka laga dhaqangaliyo Nidaamka asxaabta badan, Codbixiyaal diwaangashan, doorashooyin Dimuquraadi ah.

6- In dalka oo dhan laga hirgaliyo 2 doorasho, Mid heer Federaal ah iyo mid dawlad gobaleedyo ah, lama sheegin goorta, nooca ay noqonayaan iyo waxa ku hoos duugan qodobkan.

7- Golaha ayaa isku raacay in wadajir loola dagaalamo Argagixisada.

8- Golaha ayaa isku raacay in Istaraajiyad Qaran loo wajaho dagaalka.

9- Waxaa laysku raacay in la dhaqangaliyo qorshihii Amniga Qaranka iyo Istaraajiyadii la dajiyey bishii April-2017-kii.

10- Golaha ayaa dhiirigaliyey La wareegida amniga Qaranka ee ciidamada xoogga dalka.