VIDEO: Rag katirsan Al-Shabaab oo saaka la toogtay

Maxkamadda Ciidanka qalabka sida ee Dawladda Soomaaliya ayaa aroornimadii saaka xukun dil ah ku fulisay saddex kamid ah maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab.

Xubnaha xukunka lagu fuliyay oo ahaa Rag, ayaa lagu kala magacaabi jiray Nuur Wayne, Xasan Boy & Keerow.

Raggan ayaa Maxkamadda Ciidamada ay ku heshay inay qaraxyo ku dileen Shacab iyo Masuuliyiin kale, waxa ayna Fulin Sugayayaal ahaayeen ilaa 2019.