Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay Maxkamadda Sare

Xildhibaannada Golaha Wakiillada DPL, ayaa fadhigii 7-aad ee maanta oo ay goob-joog ahaayeen 54 mudane, ayaa waxay Ansixiyeen xubnaha Maxkamadda sare ee DPL.

Waxaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 53 Xildhibaan, Diidmo majirin, waxaa ka Aamusay 1 Mudane.

Xubniha magacownaa ee Maxkmadda sare oo ahaa 7-xubnood ayaa sidaa ku helay kalsoonidii & ansixintii Golaha Wakiillada DPL, Waxaana lagu dhaariyey isla fadhigii maanta ee Golaha.