Wada xaajoodkii Dowlada iyo Maamulka Tigreega oo umuuqda in uu fashilmay

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed,ayaa sheegay in ay faragelin weyn oo shisheeye lagu hayo wadahadalka socda ee u dhexeeya dowladda iyo maamulka Tigray.

Wada hadalada,ayaa hakad galay kadib markii dhanka Dowlada ay ka timid diidmo.

Balse Abiy,ayaa sheegay in uu weli rajo ka qabo in heshiis nabadeed la gaaro.

Isagoo la hadlayay Telefishinka Caalamiga ah ee Shiinaha (CGTN),Abiy ayaa sheegay in Itoobiyaanku ay xalin karaan arrimahooda inkastoo cadaadis caalami ah lagu saarayo xabbad-joojin.

“Dabcan, haddii ay jiraan faragelin badan oo bidix iyo midig ah, aad ayay u adag tahay,”Ayuu yiri Abiy.

“Itoobiyaanku waa inay fahmaan inaan arrimaheena ku xallisan karno”

Waxa uu sidoo kale xaqiijiyay qabsashada ciidamada federaalku ay magaalada Tigray ee Shire, Axum iyo Adwa ka qabsadeen bishii hore jabhadda Tigray People’s Liberation Front (TPLF).

“Waxaan isku dayeynaa inaan ku qancino TPLF inay ixtiraamto sharciga dalka, inay ixtiraamto dastuurka iyo inay u dhaqanto sidii hal Dowlad oo ka tirsan Itoobiya,”Ayuu yiri Biy.

Dhanka kale, Afhayeen u hadashay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat,ayaa Isniintii sheegtay “Ma jirin wax xaddidan oo taariikh leh oo wadahadallada loo qabtay”Sida laga soo xigtay AFP.

Wada xaajoodka oo 25-kii Oktoobar ka bilowday Koonfur Afrika,ayaa socday ilaa Isniintii inkastoo markii hore la filayay in la soo gabagabeeyo Axadda.