Xasan Sheekh oo shir uga qeybgalaya dalka Algeria

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa u socdaalay dalka Algeria, halkaas oo ay uga qeybgali doono shir madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta.

Villa Somalia ayaa baahisay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu xalay kusii hakaday magaalada Khartoum ee caasimadda dalka Sudan, isagoo kulan kula qaatay Wasiirka Difaaca Sudan oo ay ka wada-hadleen dagaalka argagixisada.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xoogga saaraya sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ayaa caawa gaaray magaalada Khartuum, halkaas oo uu kula kulmay Wasiirka Gaashaandhigga dalka Suudaan Sarreeye Guud Yaasiin Ibraahim Yaasiin.”

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka qeyb-galaya Shir Madaxeedka Dalalka Jaamacadda Carabta, ayaa isaga iyo wafdigiisa waxa ay ku sii jeedaan dalka Aljeeriya.”