Xubno ka tirsan Baarlamaanka Uk oo lagu Eedeeyay in ay laaluush ka qaateen Somaliland

Sida uu qoray wargeyska The U.K.’s Guardian, Maamulka Somaliland,ayaa la ogaaday in ay hadyado iyo Deeqo su’aalo la iska waydiin karo uu siiyay Xubno ka tirsan Baarlamaanka UK.

Sidoo kale maamulka Somaliland waxuu Lacag ku bixiyay Congress-ka Maraykanka in looga dhex olaleeyo Ictiraafdoonkiisa.

Sharci,ayaa la horkeenay Aqalka Congress-ka Maraykanka, kaas oo dhigaya in Maraykanku u aqoonsado Somaliland dal madax-bannaan.

Aqalka Odoyaasha Maraykanka,ayaa arinkaas diirada saaray kuna dadaalaya in uusan Sharcigaas kaabaya Aqoonsi helida Gobolka Waqooyi Galbeed ee Somaliya uusan abid meelmarin.

Waa wax layska og yahay in Somaliland ku bixiso dhaqaale u olalaynta ictiraafdoonkeeda,waxaase hada cusub in la xaqiijin karo Wadooyinka aan Sharciga ahayn ee ay umartay raadintaas.

Arintan waxay waji gabax weyn ku tahay Baarlamaanka ingiriiska,iyadoo Xildhibaanada xiriirka la leh Maamulka Hargaysa lagu soo gole joojin karo Laaluushka ay ka qaateen.