Aadan Madoobe & Laftagareen oo ka wada-hadlay 3 arrimood + Sawirro

Ku-simaha Madaxweynaha JFS,L ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa caawa hoygiisa ku qaabilay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftageen.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Madoobe iyo Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee dalka gaar ahaan deegaanada maamulka Koonfur Galbeed, arrimaha la xiriira abaaraha saameeyay deegaanada maamulkaasi iyo sidoo kale howlgalada ka dhanka kooxaha khawaariijta ah ee socda deegaannada iyo degmooyinka maamulka Koonfur Galbeed.

Kusimaha madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa boggaadiyay doorka maamulka Koonfur Galbeed ee ku aadan la dagaalanka kooxda argagaxisada ee Al shabaab oo Dowladda iyo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed ka bilowday guud ahaan Gobollada Dalka.